Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida, iyada oo Gudoomiye cusub la magacaabay.
Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida, waxaana xilkaas sanado badan horay u haayay Liibaan Cali Yaroow.
Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) ayaa ka mid ahaa Taliska Booliska Soomaaliya Waxaana darajadiisa laga dhigay Gaashaanle Sare.