Home Afsomali odoyaasha beesha Ceyr habar eji oo madaxfurasho u siiyey 40 ku doolar...

odoyaasha beesha Ceyr habar eji oo madaxfurasho u siiyey 40 ku doolar Afduubayaashii xawaadle iyo 5 tii qof oo maxaas laga sii daayey gaarayna matabaan

Dadkaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa shan ruux ayaa dhawaan laga afduubtay Degaanka Goobo ee Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan , kadib markii laga degsay gaari ay saarnaayeen oo ka yimid degmada Guriceel kuna wajahnaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in sababo la xiriira aanooyin qabiil ay dadkaais u afduubteen, kadib dilal ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka guriceel iyo Matabaan,hayeeshee ugu dambeyn Maanta dadkaasi la siidaayay.

Odayaasha dhaqanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka ay dalbadeen Lacag diyo ah oo dad horey looga dilay taas  dhan 40 kun oo Doolar oo Madax furasho ah markii ay bixiyeene sidaasi lagu soo daayay Shanta qof ee afduubka loo heystay.

Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa waxaa ay sheegeen in wadahadallo ay la galeen maleeshiyaadkii dadkaasi heystay ay suurta gashay inay lacagtaasi ku wareejiyaan,waxaana shanta qof iyo gaari ay wateen ay gaareen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo markii hore ay u socdeen.

Ka hor inta aan dadka laga afduubay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa jirtay in siyaabo kala duwan laba Darawal loogu dilay inta u dhaxeysa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.