Home Afsomali Warsaxaafadeed xiliga dhageysiga Dacwada badda ee damaca Boobka kenya

Warsaxaafadeed xiliga dhageysiga Dacwada badda ee damaca Boobka kenya

Maxkamadda ICJ ayaa ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague.

Wakhtiga dhegeysiga dacwadda oo ku beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya, waxaa lagala socon karaa barta Internetka ee Maxkamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo dhameystiran.

Dowlada Somalia oo dhowaan dalab ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo dacwada ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta ka qeyb qaadashada dacwadan oo sanado badan soo jiitameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.