Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa dab uu ka kacay dhisme ganacsi oo ku yaala qeybta Cabdalla Shideeye, kaasoo ku sii fiday qeybo ka mid ah suuqa.
Dabka oo geystay qasaare ayaan la ogeyn sababaha keenay in uu kaco ayaa waxaa soconaya dadaal weyn oo loogu jiro sidii loo damin lahaa, isaga oo u sii gudbay dhismayaal ganacsi oo ka agdhaw goobta uu markii hore kacay dabka.
Dadka qaar ayaa sheegaya Dabkan markiisii hore in uu ku bilowday Burjiko ay laheyd Gabar halkaasi Shaax ku iibineysay oo qabsaday Bakhaar halkaasi ku yaalla oo lagu iibiyo Qaxwada iyo Bunka.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ramig ah ee ka dhashay dabka oo leysku dayayo in la damiyo, waxaana ku sugan agagaarka dhismayaasha gubanaya dadweyne u soo gurmaday oo ku howlan sidii ay uga badbaadin lahaayeen goobaha kale ee ganacsi..
Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, si ay u damiyaan Dabkaasi kacay, si uusan u geysan khasaare kale oo dhaaraad ah.
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0