24kii Saac ee lasoo dhaafay rajadii laga lahaa wadahadalada Xalane ayaa noqday cirbad ceel kudhacday, waxaana loo sababeeynaayaa labo wax yaabood.
Farmaajo oo markii hore raali ka ahaa in shirka kagu qabto XALANE laakiin aad oga xumaaday qaabkii Axmed iyo Dani loo soo dhaweeyay gaar ahaan ciidamadii tirada badnaa ee ay kala soo dagteen Garoonka diyaaradaha.
Farmaajo ayaa James Swan ku yiri “mafileeyn in ciidamo ay laimaanaayaan maadaama Amisom ay balan qaaday amnigooda ayna dageen Xero ciidan oo aad loo ilaaliyo.
Mr James Swan ayaa isku dayan in uu Farmaajo ku qanciyo in isaga shaqadiisu aysan aheeyn in uu xadido personal security madaxda soomaalida isla markaana isagaba ay filan waa ay ku noqotay tirada ciidan ee ilaalada u ah balse usababeeyay kalsoonidarada madaxda soomaalida dhexdooda
Arintu waxa ay cirka iskusii shareertay markii James Swan uu VOA laanteeda Af Soomaaliga kacodsaday in ay layeeshaan wareeysi dheer oo uu ku bayaaninaayo arimo badan oo ku gadaaman wadahadalada socda iyo doorka beesha caalamka.
Wareeysiga James Swan oo ahaa kii ugu dheeraa ee uu abid baxsho intuu soomaaliya joogay ayuu kaga hadlay waxyaabo badan oo xasaasi ah.
Wax yaabihii ka xanaajiyay Farmaajo waxaa ka mid ahaa, “in lasameeyo hayad doorasho oo laguwada kalsoonyahay oo wadada u xaarta in ay doorasho xor ah dhacdo. Farmaajo ayaa u arkay hadalkaan ka hordhac qodobadii laga wada hadli lahaa markii laisasio horfadhiisto.
Sidoo kale James Sawan ayaa sheegay in ay diyaarinaayaan TEENDHADII lagu qaban lahaa doorashooyinka, waxaana uu sheegay in Ergada wax dooraneeysa ay keenidoonaan XALANE.
Marlabaad Farmaajo ayaa arintaan ka carooday oo u arkay in James Swan uu lawareegay habsami usocodkii doorashooyinka.
Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaa, in Farmaajo James Swan uu kalahadlay in lajoojiyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Xalane ka socda, balse Mr James Swan ayaa si aan laablaabad laheeyn ugu sheegay Farmaajo in UN iyo beesha caalamka shaqadooda aheeyn in ay is hortaagaan kulamo iyo fadhiyo nabadeed.
Arintu waxa ay sii kululaatay markii James Sawan wareeysigiisa ku sheegay
” in gadaal loonoqday, halkii laga filaayay in horay loo socdo” .
Farmaajo iyo xertiisa waxa ay go, aansadeen in aysan kaqeeyb galin wax shir ah.
Suaasha isweeydiinta leh waxa ay tahay UN ka ma aysan uwaceen Dani iyo Axmed, hadii aysan ogalaansho ka heeysan dhanka kale in ay shirka imaaneeyn lacagna laguna qarash gareeyeen safaro UN ka, aysan balan qaad aysan heeysan.
Hadaba waan soo sheegnay meesha ay wax iska badaleen.
Shirkii Hitel Decale ee gudiga doorashada Farmaajo waxa uu ahaa mid kuxumeeys ah oo Farmaajo uu UN iyo beesha caalamka uu ugu jawaabaayo in uu howlahiisi doorashada uu iska siiwadanaayo, balse isaga ayeey dhabarjab kunoqotay, oo mauusan aheeyn mid macno badan sameeynaayay, xitaa Galmudug kama aysan soo qeeybgalin.
Mr Dube oo wajigiisa kabadalan yahay sidii hore ee boodboodka aheeyd ayaa ka dhawaaqay goobta shirka.
Waxa uu yiri
“shir ayaan isugu nimid anaga iyo maamul goboleedyada, shirka waxna kama aysan soobixin laakiin in aan kulano ayaa ah yididiilo wanaagsa.,”
Kulan kaan kadhacay Hotel Decale ayaa Farnaajo uu amray kadib markii uu kawar helay in lagu dhawaaqaayo gudi badbaado qaran.
Farmaajo ayaa hada ah markab caarinaaya ama nin saaran buur qarkeed, maxaa yeelay cida hada ay isku dhaceen waa beesha caalamka.