
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken
Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee cidhiidhiga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay.
Caqabada hada jirta waxay wiiqeysaa horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxay dib u dhigeysaa dib u habeynta si deg deg ah loogu baahan yahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada. Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaaharaadaan si nabad ah oo ay si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay helaan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.