Home Afsomali Hay’ada Hormuud Salaam ayaa deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal martini. (...

Hay’ada Hormuud Salaam ayaa deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal martini. ( DAAWO SAWIRAADA A)

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa kaalmo bani aadanimo gaarsiisay xabsiga dhexe ee muqdisho iyo isbitaalka martiine qeybta ay daganyihiin Curyaamiinta kusoo naafoowday Dagaalkii 77 Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka tabaaleysan iyo kuwa baahiya gaarka qaba oo hay’adu ay ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato farxadooda inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaana kamid ah deeqda la gaarsiiyay xabisga dhexe.

5-Neef oo geela,

raashiin kakooban

100 Loor Bariis,

100 Loor Sokor

100 Loor Bur

500 Kartoon Timir ah

1000 Liter oo saloiida

5 kartoon oo cabitaan ah

5 Kartoon Caleen shaah ah, iyo dharkii ay ku ciidi lahaayeen.

 

 Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nur Cusmaan oo faafahin kabixinayay Deeqdan ayaa sheegay in ay qeyb katahay deeqo kala duwan oo ay ugu tala galeen dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaana uu hoosta kaxariiqay in deeqda maanta ay bixinayaan ay ugu talagaleen maxaabiista kujirta xabsiga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.