Home Afsomali Full VIDEO Maamulka Gobolka Banadir oo saacado ka dib Jawaabay ku faraxdo...

Full VIDEO Maamulka Gobolka Banadir oo saacado ka dib Jawaabay ku faraxdo siiyey Maamo Coley Maxamed Adan oo cabasho horey ugu gudbisay

Maamulka Gobolka Banadir oo saacado ka dib Jawaab ay ku faraxdo siiyey Maamo Coley Maxamed Adan oo cabasho horey ugu gudbisay

Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore ayaa gurigeeda Booqasho u kuurgalka  ugu tagay maamada ka dib markii uu maqlay culeys dhaqaale oo soo food saarey si uu u ogaado dhibka jira inta uu la eg yahay

Is wareysi dheer ka dib uu sheegay in la xaliyey dhibkii jirey oo qaab farsamo ah ku dhacay wuxuuna xusay in ay xaquuqdeeda heli doonto inta uu masuuliyeeda haayo

Waxaana laga dheehana karay sida uu uga xun yahay in la dayaco waalidiinta da,da ah sida

Maama Coley Maxamed Adan ayaa sheegtay in ay aad ugu qiirootey uguna  faraxday markii uu ugu tagay gurigeeda waxayna xustay in ay ku qanacsan tahay jawaabta degdega ah ee uu cabashadeeda ka bixiyey maamulka Gobolka Banaadir iyo balanqaadka uu u ssameeyey raaligiina ay qaadatay

Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore  oo warbaahinta kula hadlay guriga Maama Coley Maxamed Adan  Ayaa xusay in xaquuq ka maqneyd la xaliyey  uuna aad uga xun tahay qaladka dhacay

Caana Boore ayaa sheegay in Maama Coley Maxamed Adan ay ka mid tahay dadka Gobolka Caanka ka ah ayna weligeed ka shaqeyn jirtay nabada iyo dowadnimada isportiga iyo fanka ilaa todobaataneeyadii sidoo kale wuxuu sheegay in ay masuuliyiinta dowlada ay wada garanayaan sida madaxweynaha iyo gudoomiyaha Gobolka

Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud Caana Boore fariin u direy qof kasta oo la shaqeysa masuuliyiinta dowlada ay saacidaan dadka jilicsan ee aan awoodin in ay la kulman madaxda ay la shaqeeyaan si wax loogu qaabto

Gudoomiyaha Isportiga  Dagmada Waaberi Cali Rooble Nuur

Oo joogjooge ka ahaa ayaa kamahad celiyey wuxuuna sheegay in wax weyn uu uu qabtay maamulka Gobolka Banaadir

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.