Home Afsomali Warmuriyeed laga soo saaray Shirkii ka socday Teendhada Afisiyooni

Warmuriyeed laga soo saaray Shirkii ka socday Teendhada Afisiyooni

Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee mudada Afarta maalin ah uga socday teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir.

Qodobada heshiiska doorashada ee la soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn

1: in Dib u eegis ku sameeyay soo jeedintii guddiyada ku shiray baydhabo

2:  In xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada kajirto muddo saddex malmood gudahood ah

3: In guddiga Doorashooyinka ay dhaxdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

4: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.

5: In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

7: In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Arinta Soomaalind ayaa waxaa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaaraha, asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha Aqalka Sare  iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka Shirka Madasha wadatashiga doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.