Home Afsomali Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka  maamulka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa...

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka  maamulka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa baladweyne ku qabtay Xuska 1da lulyo

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka  maamulka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar ayaa Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Hirshabeelle uga qeyb galay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay sanad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay markii ay xuroobeen Gobollada Koorfureeed iyo Israacii Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

Munaasabada oo ay ka qeybgaleen  Xubnaha labada gole ee Dowlada Maamulka Gobolka Hiiraan qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Beledweyne iyo Marti sharafta kale.

Madaxweynaha oo khudbad kooban kasoo jeediyay munaasabadaan loogu dabaal degaayay 1-da Luulyo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay habeenkaan taariikhiga ah, isagoo bulshada Hirshabeelle ugu baaqay ka shaqeynta Nabada Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa sheegay in Hirshabeelle ay ka go’an tahay soo celinta  Amniga magaalooyinka iyo sidookale la shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.