Home Afsomali Dhageyso Al-Shabaabka ceelbuur joogo  oo toogasho ku fuliyey goob fagaare ah Xasan...

Dhageyso Al-Shabaabka ceelbuur joogo  oo toogasho ku fuliyey goob fagaare ah Xasan luglug  87 sano jir ahaa ay sheegeen inuu Aflagaadeeyey Nabi Maxamed NNKH


  1. Al-Shabaab ayaa  ishalay gelinkii dambe nin da’ah ay ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
    Toogashada ayaa waxaa fuliyey xoogag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan kooxda iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay ninka la toogtay oo da’diisu ay aheyd 87 sano jirin ‘inuu aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxow Fiidow oo loo yaqaanay (Luglug), wuxuuna ku noolaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud.

Maxkamadda Al-Shabaab ee xukuntay marxuumka ayaa shaaca ka qaaday in caddeymo iyo sidoo kale marqaatiyaal lagu helay, sidaasna lagu dilay.

Sidoo kale ninka da’da ah ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka sheekeeyey taariikhda Idaacadaha ku yaalla Soomaaliya, balse marka la weydiiyey abtirsiga Nabi Maxamed (NNKH) uu ku jawaabay “Marka aan baranayo abtirsigiisa ma aniga ayaa dhalay, ma aniga ayaa habartiis ka dhalay,” kadib garsooraha ayaa ku dhawaaqay in falkaasi ay u arkaan mid ‘Diin ka bax ah’, isla-markaana yahay xad riddo ah, sidaas daraadeedna lagu xukumay dil.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fulisa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Al-Shabaab ku fuliso ruux ay sheegeen inuu aflagaadeeyey Nabiga naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee.

Linking aan hoose ka dhageyso fulinta xakunka dilka toogasha aha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.