DEG DEG:Musharixiin iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo lagu dhex handadey garoonka Dhuusamareeb.
Musharax kudun ximaa oo Qoor Qoor diiday in la soo dhaweeyo iyo Musharax Jaahwayn oo ku yimid hal diyaarad garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa bahdil kala kulmay ciidmada sugayay amniga garoonka waxaana loo diiday inay gudaha usoo galaan Ciidamo ilaalo u ahaa iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo soo dhawayn rabay Musharixiinta.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka Dhuusamareeb iyo Ciidamada Booliska Galmudug ayaa ku dhex hadndadey gudaha garoonka Musharixiinta iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug waxaana halkaasi ka dheshay buuq.
Sawiradan ayaa la qaadey xili gudaha garoonka uu ka jiray buuq xoogan oo udhaxeeyay Mushariixnta,Xildhibaanada soo dhawayn rabey iyo Ciidamada sugaya Amniga garoonka.