Home Afsomali Indho gardaran hadey ooyaan kuwii garta lahaa maxaad moodaa iyo Eng rooble...

Indho gardaran hadey ooyaan kuwii garta lahaa maxaad moodaa iyo Eng rooble oo ay ku dhacday isxaan hansameyn shari kuuma timaade

 

Shan Xildhibaan iyo Cabdi Xaashi + Xafladood Caawa.

Xafladda wayda ah ka qaybgalka martida Jazeera iyo ujeedka shanta xildhibaan iyo Cabdi Xaashi muhiim maaha ka hadalkeedu hayeeshee aan eegno halka sartu ka qudhuntay….

Lixda Xildhibaan iyo Ra’iisal wasaare Rooble halkee iskala qaadeen?

Laba daqiiqo aan kusoo koobno.

Xiligii uu dalku kujiray hirdankii doorasho raadinta ee gaadhay in qoryaha laysu gurto waa tii lagasoo gudbay, waa wakhtigii Shiirkole, Mirinaayo ilaa Sayidka ragga qaar ciidan soo tubay.

Hub dhul dhigis iyo miyir in loo wada xaajoodo ayaa ka dambaysay. Murashaxiinta mucaaradka iyo maamul gobolleedyadii taabacsanaa sadex arrimood ayay ku doodayeen in la fuliyo si dalku doorasho heshiis lagu yahay u aaddo.

1. In Madaxweyne Farmaajo faraha kala baxo arrimaha doorashooyinka.
2. In Ra’iisal wasaare Rooble lagu wareejiyo amniga iyo hanaanka maamulka doorashada.
3. In gudiyada doorashooyinka laga saaro cid kastoo loo tuhmaayey inaanay dhex dhexaad noqon karin.

Qodob Afrraad ayaa jiray oo ahaa in Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Kuxigeenka Raysal wasaaraha Mahdi Guuleed murankooda la xaliyo islamarkaan gudiyada doorashooyinka laga siiyo xubno isleeg.

Dhammaan qodobadaasi waa la fuliyey sidii lagu heshiiyey 27 may 2021 ayaana loo fuliyey laguna dhammeeyey mana jirto wax muran ah oo kasoo noqday ilaa hal qodob mooyaane.

Waa qodobkee?
Waa qodobka afarraad ee guddida doorashada gobolada waqooyi. Qodobkan agoonka iyo aagaanka ah ee kasoo hadhay heshiiskii dalku ku aadday doorashada socota maxaa ka qaldamay?

Waxa ka qaldamay damac baa masuul ka ah. maahmaah baa waxay ahayd “waxbadso wax beel bay dhashaa” waxaa kaloo qodobkan dhinacyadii uu ka dhexeeyey dhinac kamid ah ka dunsan tiir kamid ah tiirarka siyaasadu ku taagan tahay oo ahaa “Ha giijin xadhkaha dhammaantood si’aanay kuugu go’in”.

Kooxda Cabdi Xaashi oo ka kooban 6 xubnood oo shan kamid ahi waqoodba xildhibaano soo ahaayeen waxaa loo hiiliyey sadex jeer.

1. Shanta xildhibaan iyo Cabdi Xaashi Mar waxaa u hiiliyey Madashii murashixiinta oo waxaa looga hiiliyey 50 xildhibaan iyo kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha.
2. Mar kale waxaa u hiiliyey Madashii maamul goboleedyada.
3. Mar sadexaadna waxaa u hiiliyey Ra’iisal wasaarihii dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhinaanada labada aqal ku metela Somaliland waa 57 qof, Sadexda jeer hiilka loo galay waxay Cabdi Xaashi iyo shanta xildhibaan ee la socotaa ay ku heleen macaash iyo sed bursi aanay helin aqlabiyada Xildhibaanada gobolada waqooyi ee ah 57-6=51 oo lagu daray kudhawaad 200 murashax kuwaas oo u taagan inay tartamaan.

Ra’iisal wasaare Rooble maxay ku haystaan shanta xubnood iyo Cabdi Xaashi?

Waxay ku haystaan damac Ololka leefay oo kadhashay tanaasulkii Ra’iisal wasaaruhu uu iyaga u sameeyey kaas oo PMku ku doonayey in dalka ay kaqabsoonto doorasho la xanan tiray.

Tanaasulkaaso oo ahaa in Ra’iisal wasaaruhu ka ogolaaday in gudida doorashooyinka gobolada waqooyi 6 xubood oo kamid ah la siiyo Cabdi Xaashi iyo shanta la socota taasoo ka dhigan in Ra’iisal wasaare Rooble lixdaa qof qofkiiba siiyey hal xubin, halka 51ka mudane iyo murashaxiinta tartamaysa laysku siiyey 6 xubnood oo qudha.

Toogo-qumintii xalka laga raadiyey ee Ra’iisal wasaare Rooble waxay dhalisay damac iyo imaan iska qaadida maanta gaadhay in Lixdaasi xubnood ay isku dayeen inay qaawiyaan oo fashiliyaan dedaalkii Ra’iisal Wasaarihii u hiiliyey iyo tacabkiisi Qaran ee isaga iyo madasha Qaranku ku doonayeen Doorasho loo dhan yahay lagu qanacsan yahay oo laga wada ilaaliyey jidgooyo iyo jalaafooyin intaba.

Damacoodi halkee buu la marayaa Caawa Cabdi Xaashi iyo shantii wehelisay?

Wuxuu la marayaa weerar joogta ah oo kadhan ah Ra’iisal wasaarihii u hiiliyey, wuxuu la marayaa faro madhnaan ay ka taagan yihiin raggii mucaaradka iyo madashii maamul gobolleedyada ee usoo wada hiiliyey oo ay ku noqdeen (Hor iyo Dabo-diid)

Al nihaaya Ra’iisal wasaarihii, mucaaradkii iyo maamul gobolleedyadii ayaa caawa wadajir u daalacanaya Isbaaro 6 qof doonayaan inay doorashada dalka u dhigtaan.

Ugu dambayn caawa waxaa haysta 6daasi qof Alle ku kashif iyo maahmaahdii ahayd “waxbadso wax beel bay dhashaa” ama Cun oo Cun cuni-waa baa ku xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.