Home Afsomali Iska jir oo ka ilaali naftaada iyo inta aad garaneyso tanoo kale

Iska jir oo ka ilaali naftaada iyo inta aad garaneyso tanoo kale

Akhriso Qiso xanuun badan oo ay la kulantay Rowdo Cabdi Xasan.

MAXAA IGA QABSADAY QALIINKII?

18/10/2020 ayaa qaliin la igu sameeyay waxaana qaliinkaas igu sameeyey isbitaalka Sulub hospital oo ku yalaa taleex.

qaliinkeyga ayaa wuxuu ahaa in laga saaro xameetida oo dhagax in uu iiga jiro dhaqaatiir ilaa sedex Isbitaal ahna ii xaqiijiyeen inaan ahay qalin.

tabarteyda dhaqaale aweed iyo danta oo iciishay qaliinkii ayaa igu adkaaday mid ka mid ah saxiibadeyda ayaa ii sheegay in uu jiro dhaqtar lacag la.aan ku qala dadka oo fiican.,
kama laba labeeyn inaan galo qaliinkaas maadama dhaqaatiirtii hore qaar ay ii qabteen afar iyo labaatan saac inan iskagaga saaro xameetida hadii kale nolosheydu qatar ku jirto.

Dr Sulub oo ah Dr-ka ka shaqeeya isbitaalka isaga ku magacaaban ee Sulub Hospital ayaan u tagay wuxu ii sheegay inan ahay “qaliin”

baaritaan kadib go,aan ayaan qaatay maadama cabsi igu jirtay taas oo ah inaan haysto 24saac kaliya,
qaliinkeyga waxa uu qaatay Afar saacadood.

Maxaa dhacay qaliinkeygii kadib?

Isbitalka waxa aan ku jiray afar maalin
intaas kadib gurigeyga ayaan dib ugu soo laabtay.
dhaawacii markii aan kareystay
calooshii ayaa xanuun deyn weyday qaliinkeyga waxa laga jooga Toban bilood
ilaa markii xanuunka caloosha waa igu sii siyaadayay!

Asbuucan dhexdiisa ayaan tagay dhaqtar waxa la ii sheegay in weli xameetidii igu jirto!!!
waan qaadan waayay ilaa aan Scaning isa saaro baritankii marka aan dhameeyay waxan ku Dr Sulub oo ah Dr-ka i
qaliinka igu sameeyey.

waxaan u sheegay xaaladeyda iyo waxa igu soo kordhay waxa tusay iskeynkii (Scaning) warqadihi lagu cadeeynayay in ay igu jirto xameetidu.

dhacdada yaabka leh ayaa ah in uu diiday in xameeti igu jirto!!

isbitaalada aan cadeymahooda u keenanyna wuxuu ku sheegay in ay doonayan in ay aniga i Waalaan. iyo kuwa Isbitaalkiisa tartan dhaqaale kula jira.

ugu danbeyn waxaan ka gudbiyay dacwad ka dhan ah Dr-kaas.
Waxaan rajeynaya Hay’addaha Garsoorku in ay kiiskeyga hab cadaalad ah u wajahaan.

Allaah ha igu guuleeyo Inshaa Allaah.

koley aniga igu dhacdaye adna yaysan kugu dhicin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.