Home Afsomali Qaraxa galmudug dadka ku geeriyoida qaarkoo ayaan kuwaan ah

Qaraxa galmudug dadka ku geeriyoida qaarkoo ayaan kuwaan ah

alle ha u naxariisto. Waa kuwaan Sawirada dad Maanta ku dhintay Qarax Miino oo Al-Shabaab wadada geliyeen taas oo ku qabsatay Gaari ay saarnaayeen duleedka Magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Ilaa 7 Ruux ayaa waxaa la xaqiijiyay inay qaarxaasi ku dhinteen, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo dhawaan dagaaladii Bacaadweyne ka qaxay balse Maanta dib ugu laabanayay guriyohooda.

Sideed qof ayaa ku dhintay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen gaari ay la socdeen dad rayid ah oo qarax uu ku haleelay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.
Dhinaca kale, gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata qaad oo kusii jeeday deegaanka Camaara ayaa lasoo warinayaa in isna uu qarax uu haleelay, waxaana wararku ay shegayaan in saddex qof oo mid ay tahay hawenay ay ku dhawacmeen qaraxaas.
Deeganadan ayaa dhawaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana muddoyinkaan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii laba qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhinteen qarax ka dhacay deegaanka Qaycad ee isla gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa miinooyin badan ka saaray waddoyinka, hase ahaatee wali waxay halis ka jirtaa waddooyinka qaar.

Qaraxa 7-dii bishan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sii jeeday isla deegaanka Qeycad ee gobolka, halkaasi oo hal askari u uku dhintay, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.