Home Afsomali AMISOM oo tuulo golweyn Xasuuq ba.an ka geysatay goor dhaweyd

AMISOM oo tuulo golweyn Xasuuq ba.an ka geysatay goor dhaweyd

Guddoomiyaha Deegaanka Golweyn Maadeey Sheekh Cismaan ayaa sheegay in Taliska AMISOM ay dad shacab ah ku xasuuqeen tuulo la yiraahdo Faarax oo hoostagta Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelle Hoose.

Maadeey Sheekh Cismaan oo u waramay warbaahinta  ayaa sheegay in falkan uu maanta gelinka dambe ka dhacay tuulo 4 km u jirta deegaanka Golweyn, kadib markii ciidanka AMISOM ay tuulada ku arkeen miino nuuca dhulka lagu aaso, ayna

“7 qof ayay dileen 3 ka mid ah makaanik ayay ahaayeen oo u yimid sameynta gaari goobta ku halaabay, halka afarta kale ay yihiin dadka deeganka”. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha Deegaanka Golweyn Maadeey Sheekh Cismaan ayaa yiri “Maamulka deegaanka wuxuu isku dayey in Taliska AMISOM ee Golweyn in uu kala hadlo dadkii ay dileen, hase yeeshee Saraakiisha AMISOM ee jooga Golweyn weydiideen kulankaas”.

Ciidamada AMISOM ayaa jidka loogu galay meel ka baxsan tuulada ay dadka ku dileen kadib markii uu halkaasi dagaal kula dhexmaray Maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale  Aabe Maxamed Yoonis Aadan ayaa sheegay in Wiilkiisa iyo 6 ruux oo kale ay ciidanka AMISOM ku dileen Tuulo hoostagta Golweyn ee Gobolka Shabeelle Hoose.

“Wiilkeyga iyo lix ruux kale ayay ciidanka AMISOM qabteen oo ay garbaduub u xireen, kadib goobta ayay ku dileen 7-da ruux oo ay ku jiraan dad iska leh beerta uu wiilkeyga ka shaqeynayay iyo dhallinyaro kale oo gaari goobta uga halaabay, markii ay toogteen kadib waxa ay dulgeeyeen miino dhulka ku aasneyd, halkasi ayay hadana miinadii kula qarxiyeen”. Ayuu yiri Aabe Maxamed.

Maxamed Yoonis Aadan ayaa ka codsaday dowladda inay xaqooda uga soo dhiciso falka ciidanka AMISOM ay ku laayeen dadka rayidka ah ee ku noolaa tuulada Faarax ee hoostagta Deegaanka Golweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.