Home Afsomali Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka Dibadiisa u ambo...

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka Dibadiisa u ambo baxay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Masar , kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Masar .

Rooble iyo Wefdiga la socda ayaa la filayaa marka ay gaaraan magaalada Qaahira ee dalka Masar in kulamo la qaataan madaxda dalkaasi ayna kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal .

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Qaahira kula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi uuna uga warbixiyo xaalada dalka marayo.

Safarkan Ra’isul Wasaare Rooble ugu ambo baxay dalka Masar ayaa imaanaya maalmo kadib markii safar shaqo ku tagay dalka Kenya halkaas uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Madaxweynaha dalka Kenya iyo masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.