Home Afsomali Ciidamadii Daalibaanku Xukunka ka eryadeen oo la baxsaday 22 Diyaarad nuuca Milliteriga...

Ciidamadii Daalibaanku Xukunka ka eryadeen oo la baxsaday 22 Diyaarad nuuca Milliteriga iyo 24 Helikobtar

Qaar kamid ah ciidamada Milatariga dalka Afganistan ayaa bilaabay in dalka ka baxsadaan kadib markii awoocda dalkaasi la wareegeen dagaalyahanada kooxda Daaliban oo sanado badan ciidamada dagaal kula jireen.

Boqolaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka Afganistan ayaa saacadihii lasoo dhaafay u baxsaday magan galyana weediistay dalal ay kamid yihiin Uzbekistan iyo Tajikistan oo xuduud la leh dalka Afganistan.

Ciidamadan katirsanaa dowlada Afganistan ayaa ku baxsaday 22 Diyaarad nuuca Milliteriga iyo 24 Helikobtar, waxa ayna ciidamadan iska dhiibeen magangalyana weediisteen wadamada ay gaareen ee Uzbekistan iyo Tajikistan.
Waxaa la xaqiijiyay in 585 Askar Reer Afganistan ah Diyaarado dagaal ay wateen ku galeen dalka Uzbekistan, halka ay 158 kalena oo iyagoo cagtooda maalaya Gudaha u galeen Xuduudka dalka Uzbekistan.

Diyaaradaha Dagaalka ee Ciiddanka Afganistan la baxsadeen waxaa lagu wada dejiyey Garoonka Termez ee ku yaalla Uzbekistan, waxaa sidoo kale labo diyaarad oo waday in ka badan 100 Askari iyana ku dageen garoon ku yaala magaalada Bokhtar ee dalka Tajikistan.

Ciidamada Afganistan ee dalkooda ka baxsanaya ayaana la filayaa in ay sii kordhaan, waxa ayna ciidamadan u baxsanayaan wadamada dariska la ah dalka Afganistan si ay noloshooda ugala baxsadaan kooxda Daalibaan oo sanado badan dagaal kula jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.