DAALIBAANTA CUSUB: SAXAAFAD XOR AH, HAWEENKA OO XUQUUQDA ISLAAMKA U OGOLYAHAY HELA
W/Q: Maxamed Xuseen
Maalmo ka dib markii Daalibaan ay la wareegeen gacan ku haynta guud ahaan Afgaanistaan, waxaa ay maanta qabteen shir Jaraa’id oo ay uga hadleen arrimo badan oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka, saxaafadda iyo sida laga yeelayo dadkii ka soo horjeeday.
Afhayeen u hadlay Daalibaan oo lagu magacaabo Zabiixulaah Mujaahid, oo shirka Jaraaid qabtay, ayaa warfidiyeenka u sheegay in haweenka ay helayaan xuquudooda, ayada oo lagu salaynayo waxa Islaamku ogolyahay. waxaa uu intaa ku daray in haweenku ka garab shaqeyn doonaan oo aan la faquuqeyn.
Sidoo kale, afhayeenku waxaa uu tibaaxay in saxaafaddu xor tahay oo xitaa ay dhaliili karaan ficiladooda diyaarna u yihiin sixitaankooda. Balse waxaa uu sheegay in saxaafaddu xaqiijiso in aysan ku kicin wax liddi ku ah Islaamka.
Waxaa intaasi dheer, Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in ay cafiyeenn dhammaan dadkii dagaalka kaga soo horjeeday, uguna baaqay in aan dalka laga bixin qofkastaana ammaankiisa ay dammaanad qaadayaan. hubkana la diiwan gelinayo si ammaanka loo xaqiijiyo.
Daalibaanta Cusub ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalama in ay garab istaagaan. waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in Daalibaan aanay doonayn aargoosi.
Afhayeenka ayaa xaqiijiay in Afgaanistaan aan cidna lagu dhibaataynin, xitaa Mareykanka dadka ka soo jeeda. hase ahaatee buu yii “waa in beesha caalamku noo tixgeliyaan xuduudaheena”.
Afahayeenka oo shirka Jaraaid ku qabtay Xarunta Warbaahinta ee Dalkaasi, ayaa ugu danbayn sheegay in ay dhisayaan dowlad ay ka dhex muuqan doonaan dhammaan reer Afganistan.
Su’aalahii ay saxaafadda weydiisay afhayeenka ayaa u badnaa sida ay dhowrayaan xuquuqda haweenka iyo warbaahin xor ah in uu dalka yeelanayo. taasna afhayeenku waxaa uu ugu jawaabay sida uu hadalkiisa horey ugu sheegay oo weliba uu sheegay in ilaalinta xuquuqda haweenka ay tahay ” wax ka go’an Daalibaan’.