Home Afsomali Mag dhow la siinayo ehelada dadkii golweyn ay ku xasuuqeen ciidanka Amiso...

Mag dhow la siinayo ehelada dadkii golweyn ay ku xasuuqeen ciidanka Amiso qeybta uganda

Madaxweynaha dalka Ugaandha Uweri musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili sida uus heegay ay caraysnaayeen Isaga intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono

Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.
“Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya dhawaan waxaa la sheegay in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo Al- Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.