Home Afsomali Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa ka laabtay bixintii dhulka...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa ka laabtay bixintii dhulka tiyaatarka qaranka

 Saxaafadeed Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa…

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Waad mahadsantihiin
Cismaan Abokor Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.