halkee maraysaa Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya?
Xaakimka Maxkamadda qaadaysa Muranka Labada Dal ayaa gaaraya Go’aankiisa ugu horeeya 02-02-2017 oo ku beegan Khamiista soo socota Galabnimadeeda.
maxaa la xukumayaa?
Dacwadda Badda ayaa ka kooban dhawr waji oo kala danbeeya kuwaas oo kala ah.
1- Qabashada Dacwadda,
2- Go’aan ka gaarista in ay Maxkamaddu xaq u leedahay in ay qaado Dacwada nuucaan ah.
3- in ay Go’aan ka gaarto sida loo kala leeyahay Badda lagu muransanyahay.
Qodobadee la qaaday ilaa hadda?
Maxkmaddu waxeey horay u aqbashay in ay qabato Labada Gal Dacwo ee Kenya iyo Soomaaliya, taas oo ahayd Guushii ugu horaysay ee ay gaartay Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya codsatay in la furo Gal-Dacwadeedkaan balse Kenya aanay ku qanacsanayn inkasta oo markii danbe ay Maxkamaddu ku qasabtay Kenya in ay kasoo qayb-gasho Dacwada, taas oo keentay in Labada Dal ay Doodooda ka hor jeediyaan Maxkamadda Sanadkii tagay..
Doodda Kenya waxa ay ku salaysnayd in aanay Maxkamaddani Awood Sharci ulahayn in ay qaado Dacwada nuucaan ah, ka hor inta aan laga doodin cidda ku saxsan Doodda, halka Doodda Soomaaliya ay isugu jirtay in ay aminsantahay in Maxkamaddu xaq iyo Awood u leedahay in ay qaado Dacwadaan iyo in ay Soomaliya sii hormarisay sababaynta Dacwadeeda, halkaas marka ay joogto ayaa Maxkamaddu Go’aansatay in ay Go’aan ka gaarto Qodobka ah in ay Xaq uleedahay qaadista Dacwadaan iyo in kale, inta aanay gudagalin qaadista Dacwada, waana halkaan meesha ay sheekadu taagantahay hadda.
maxaa lasugayaa Khamiista?
Khamiista soo socota, waxaa Maxkamaddu shaacindoontaa Go’aankeeda ku aadan haddii ay qaadayso Dacwada oo ah sida ay qabto Soomaaliya iyo haddii aanay qaadaynin oo ah sida ay qabto Kenya.
Guusha Soomaaliya.
haddii Go’aanka Maxkamaddu noqdo in ay qaadayso Dacwada, waxaa micnaheedu yahay in Soomaaliya mar labaad ku guulaysanayso Dacwadan Caalamiga ah, taas oo Kenya uga dhigan Guuldarro wayn.
Guusha Kenya.
haddii Go’aanku noqdo in aanay Maxkamaddu qaadaynin Dacwadaan waa Guul ay gaartay Kenya.
maxaa lafilayaa?
marka laqiimeeyo Taariikhda Maxkmadaan ee laxiriira Muranada Nuucaan ah, waxaa jira Cadaymo badan oo muujinaya in ay horay uqaaday Dacwooyin la mid ah tan hadda, waxaana ugu danbeeyay Dacwad Badeed u dhaxayay China iyo Filibiin taas oo ay u xukuntay Filibiin iyadoo waliba uu Dalkaas Qareen u ahaa Qareenka Difaacaya Soomaaliya.
arinkale oo Sharciyaqaano badan aaminsanyihiin ayaa ah, in haddiiba aanay Maxkamddu xaq ulahayn qaadista Dacwadaan aanay ogolaateen in ay dhagaysato Dooddii Koowaad.
ugu danbayn, Dacwadaan ayaa siinaysa Soomaaliya rajo badan oo ay ugu dhamaankarto Dhankeeda, taas oo sii xoogaysandoonta Haddii uu Go’aanka Khamiistu noqdo in ay Maxkamddu qaadayso Dacwada, Kenya ayaa niyadjab wayn ka qaadidoonta haddii uu Go’aanku sidaan noqdo maadaama lagaarayo in Maxkamaddu toos u qaaddo Dacwadda taagan taas oo ahayd waxa ugu wayn ee ay Kenya diidanayd.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0