Home Afsomali Nin isku dayay Kufsi oo lagu amray dhaqida iyo Feeraynta dharka Dumarka...

Nin isku dayay Kufsi oo lagu amray dhaqida iyo Feeraynta dharka Dumarka !!!

Man who tried to rape was ordered to wash and iron women’s clothes !!!

Nin isku dayay Kufsi oo lagu amray dhaqida iyo Feeraynta dharka Dumarka !!!

Nin u dhashay dalka Hindiya oo ku eedeysan Isku-day Kufsi ayaa lagu sii daayey Damiin lagu xiray Shuruud culus.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Lalan Kumar oo 20-jir ah waxaa lagu amray inuu muddo 6 bilood ah qabto shaqooyinka dhaqida iyo Feereynta ( to wash and iron) dhamaan dharka Haweenka ku nool Tuullada uu kufsiga ka geysan lahaa.

Lalan Kumar waxaa uu jeebkiisa ka bixin doonaa Kharajka Oomada iyo alaabaha kale ee muhiimka u ah Adeega Lacag La’aanta ee Dhar-Dhaqista (free Laundry Services).

Maxkamadda waxay shalay (Arbaco) kuu sii daysay Eedeysanaha damiin inuu dharkooda dhaqo ilaa 2,000 oo Haween ku nool Tuullada Majhor oo ka tirsan Gobalka Bihar muddo 6 bilood ah.

Tuulladaasi ayaa aha Deegaankii uu kufsiga ka geysan lahaa, waxaana 6 bilood kadib la soo taagi doonaa Maxkamadda si loogu dhawaaqo xukunka uu mudan yahay.

Lalan Kumar oo shaqadiisa caadiga ahayd Dhar-Dhaqe (Doobiile ama Labandaayiste) waxaa la xiray bishii April ee sanadkan, isagoo lagu soo oogay Isku-day Kufsi.

Haweenka degan Tuullada uu Ninkaasi ka soo jeedo wey soo dhaweeyeen inuu Eedeysanaha dharkooda lacag la’aan ugu dhaqo muddo 6 bilood oo xiriir ah, si ay ugu tusaale qaataan Ragga kale ee Kufsi-doonka ah ee ku nool Tuulladaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.