Home Afsomali Alshabaab iyo ciidamada Dowlada oo dagaal qaraar ku dhexmaray Xudur oo bakool...

Alshabaab iyo ciidamada Dowlada oo dagaal qaraar ku dhexmaray Xudur oo bakool ah iyo faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciudamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyah kadib markii Al-Shabaa  ay weerareen Salshiga Ciidamada dowladda ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan degmada Xudur ayaa Risaala u sheegeen in dagaalka oo aad u cuslaa uu muddo ku dhow saacad ka socday Salshiga Ciidamada dowladda, balse aysan sirasmi ah u xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska dufaaceen weerarkii kaga yimid dbinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal kooban oo dhacay ay ku gaarsiiyeen qasaaro xoogan.

Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahau degmooyinka u go’doonsan Ururka, waxaana dadka ku nool ay wanahaan dhibaatooyin dhanka molosha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.