Home Afsomali  (Dhageyso) Amiirka  Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Muranka Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya...

 (Dhageyso) Amiirka  Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Muranka Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Shegayna in aysan Aqbaleyn Xukun kasta oo ka soo baxa Maxkamada  ICG 

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa jeediyey kalimad la dhageysan karo muddo 20 daqiiqo ah oo cinwaankeedu yahay “Allaah wuu taam yeelayaa Nuurkiisa, gaaladuba ha dhibsatee” taas oo uu Sheekhu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo loolanka ka dhex oloosan Xarakada iyo awoodaha Shisheeye ee ku soo duulay wadanka.

Abuu Cubeyda ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo u jeediyey Umadda Islaamka meel kasta oo ay joogto gaar ahaan Mujaahidiinta Shisheeyaha ku hor taagan daafaha dunida.

Wuxuu intaas ka dib Sheekhu hadalkiisa ku bilaabay xaalada Soomaliya iyo dagaalka ay kula jiraan ciidamada Shisheeye iyo dowladdaa federaalka, isagoo tibaaxay inuu sii xoogeystay Jihaadkooda, siina bulaalay halgankooda, dhanka kalena xukuumada iyo xulifadooda reergalbeedku ay wajahayaan burbur iyo taagdaro.

“Xukuumadii Afaraad ayaa qarka u saaran inay burburto, Ergaygii lixaad ee waxa loogu yeero QM ayaa si dirqi ah ku bad-baaday, taageero kasta oo ay ka helaan Saliibiyiinta, tababar kastoo la siiyo iyo taakulo walboo loo ballan qaado, hadana wax u hirgalay ma jiraan, dadaalkoodiina wuxuu noqday tacab khasaaray, himilooyinkoodiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay” ayuu yiri.

Kismaayo Iyo Galgaduud

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee waayadii dambe hareeyey Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoona tilmaamay in khilaafkaas uu banaanka soo dhigay saameynta ay Kenya iyo Itoobiya ku leeyihiin siyaasada iyo go’aanada Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

“Waa murtadiin aanan xitaa go’aanadooda siyaasadeed u madax banaaneyn, talaaba kastoo ay qaadaana tahay inay xabashida Saliibiyiinta ah ka fasax qaataan, tusaalena waxaa idin kugu filan waxa hadda ka socda Kismaayo iyo sida ay Itoobiya u maamuleyso talaabo kastoo ku saabsan doorasho ku sheega Murtadiinta ee halkaas lagu qabtay, sidoo kale waxaa qalqal iyo qalaanqal ka taagan yahay Galgaduud ka dib markii ay ku soo daabuleen ciidamo cadow ku ah diinta iyo dalka. Addis Ababa ayaa qibladooda ah, waa halka ay u qeylo dhaansadaan markey is qabqabsadaan” ayuu yiri.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa sheegay in weeraradii u dambeeyey ee lagu qaaday Kismaayo iyo xarunta maamulka gobolka Banaadir ay soo bandhigeen taagdarida dowladda, isagoona bogaadiyey raggii soo abaabulay islamarkaana fuliyay weeraradaas.

Wuxuu tilmaamay inay weeraradaas ahaayeen kuwo ka tarjumayey ahdaafta Mujaahidiinta ee ay ugu horeyso in aysan marnaba aqbalin xukun aan midka Islaamka ahayn, kana raali noqon doonin in dalkan iyo dadkiisa lagu maamulo sharciyada reergalbeedka.

Wilaayaatka Islaamiga

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta ku baraarugeen sharta gumeystaha iyo shirqoolada maamulada ka jira dalka, taasna ay cadeyn u tahay in dadkii badankood ay nolol wanaagsan ka soo raadsanayaan deegaanada lagu maamulo shareecada ee wilaayaatka islaamka ama ay xukuno cadaalad ah u soo raadsanayaan Maxkamadaha shareecada Islaamka ee Mujaahidiinta.

“Wilaayaatka Islaamiga ayaa ah hooyga amniga iyo amaanka sababtoo ah waa meel aanan dulmiga laga ogoleyn, xuquuqda Muslimiintana aanan lagu xadgudbin, wilaayaatka islaamiga ayaa ku guuleystay inay bulshada nabadeeyaan, dhiilooyinka colaadeed ee beelaha ka dhexjrayna damiyaan, nabad iyo xasiloonina ku dabaalaan gobolo badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in maamulada wilaayaatka Islaamiga ay ku guuleysteen inay Umadda u fidiyaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, islamarkaana ay dhiirageliyaan ganacsiga, waxbarashada iyo wax soo saarka, isagoo sidoo kalena dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay maal gashadaan dalkooda, kana kaaftoomaan gacma hoorsiga hay’adaha Shisheeye.

Dhiiragelinta Maalgashiga Dalka

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dalkan uu yahay dalka barwaaqeysan oo dhan kastaa hodan ka ah, Allaahna uu ku maneystay macaadin iyo kheyraad fara badan kuwaas oo bad iyo barri intaba ka buuxa, wuxuu sheegay inuu dalku u baahan yahay dad gacanta ku dhiga oo hantidooda difaacda maadama ay gaaladu u soo hanqal taagayaan kheyraadka ceegaga dhulkan Muslimka ah.

Wuxuu ku baaqay inay dadku difaacdaan hantidooda iyo kheyraadkooda, dhulkoodana ku sameystaan maalgashi si ay uga kaaftoomaan gacmaha shisheeye.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah ku dhiiragelinayaa iney dalkooda maalgashadaan, dhulkoodana tacbadaan, dadkooda tabaaleysanna gacan qabtaan, Mujaahidiintuna waxay taageersan yihiin horumar kasta oo Umadda hodantinimo gaarsiin kara, hab raaciisuna ka hor imaaneynin Shareecada Islaamka, kana madax banaan haymanada kufriga caalamiga ah, iyo sad bursigooda ku saleysan Ra’samaaliyadda, Ribada iyo wixii la halmaala” ayuu yiri Sheeikh Abuu Cubeyda.

Duullaanada Reer Galbeedka

Wuxuu soo hadal qaaday duullaanka Mareykanka iyo Ingiriisku hogaaminayaan ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya kaas oo uu tilmaamay inuu ujeedkiisu yahay in Umadda looga hor istaago ku dhaqanka shareecada Islaamka, loo garba duubo siyaasadaha reergalbeedka, lana boobo kheyraadkeeda, ugu dambeyntiina la yigleelo dowlad ku sheeg Soomaali ah oo xaqiijisa damacyada gurracan ee Shisheeyaha.

“Mareykanka iyo Ingiriisku waxay doonayaan inaan duullaanka saliibiga ah ee laba lixaadsaday u hogaansano oo marna aanan iska difaacin, waxay doonayaan in gumeystaha Afrikaanka ah ee Kenya iyo Itoobiya horboodayaan aanan iska dulqaadin, waxay doonayaan in  gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan bulshada Muslimka ah indhaha ka daawanno, gacmahana ka laabano, dhagahana ka owdano, waxay  doonayaan inaan gardaradooda iyo gaboodfaladooda ay har iyo habeen kula kacaan Umadeena aqbalno oo marna aanan ka guban oo ka gilgilan” ayuu yiri.

Dadka Soomaaliyeed

Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa sidoo kalimadan ku soo gudbiyey fariimo dhowr ah oo ku wajahan dadka Soomaaliyeed kuwaas oo uu ugu baaqay inay garab istaagaan wiilashooda Mujaahidiinta, meelna kaga soo wada jeestaan duullaanada Shisheeyaha.

“Bulshada muslimka ah waxaan leeyahay mashruuca Islaamiga ah ee Allaah idinku sharfay si buuxda u garab istaaga si aad xal waara uga gaartaan colaadaha sanadaha badan Soomaalidu la daala dhaceysay, gumeystuhuna hurinayey. Dunidu waa maalmo kooban ee weligiin dullinimo ha qaadanina, diintiina iyo xuriyadiina u dagaalama, kuwa idiin soo haweystay ee dhulalka fog idin kaga soo duullayna iska dhiciya, ilaa aan diinteena, dalkeena iyo deeqdeena u madax banaanaaneyno, wiilashiina mujaahidiinta ahna hiil iyo garab u noqda, waxaan taxkiimka sharciga Allaah ahayna ha aqbalina, waxna ha dhaafsiisanina” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Muranka Badda ee Soomaaliya

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muranka xagga badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka Muslimiinta ee ay heysato.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan. Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa laga rabaa Umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”

Mujaahidiinta

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyntii kalimadiisa ku soo gabagabeeyey fariimo ku wajahan Mujaahidiinta, kuwaas oo ugu baaqay inay ku ad-adkaadaan Shisheeyaha una dhimriyaan dadka Muslimiinta.

“dagaalkooda waad aragteen inuu ku soo koobmay duqeymo fuleynimo ah iyo hanjabaad afka baarkiisa aanan dhaafsiisneyn, waadna ogaateen in aysan ku sugnaan karin goobaha dagaalka, waxaan Allaah ka rajeynayaa inaad arki doontaan Insha’Allaah guuldarada iyo jabka uu cadowgu kala kulmi doono furimaha dagaalka, idinkoo ku il qabowsan doono jabkooda ee sabra oo la sabartama cadowga Allaah. Jihaadkiina sii xoojiya idinkoo Allaah tala saaranaya, u tadarucaya, acmaashiinana khaalis uga dhigaya, Allaahna ma dayacayo juhdigiina iyo jihaadkiina”

Wuxuu ugu baaqay inay u dhimriyaan dadka Muslimiinta ee ay matalayaan mas’uulkana ka yihiin, isagoo ugu baaqay in il gaar ah ku eegaan kuwooda taagta daran.

“Waxaan kaloo idiin dardaaramayaa inaad walaalihiina Muslimiinta u dhimrisaan, nafhurkoodana tixgelisaan. Waxaad ku dadaashaan inaad da’yartooda u naxariisataan, kooda idinka da’ weyn aad qadarisaan, waayeelkoodana xurmeysaan, maatada, maxasta iyo masaakiintana garab qabataan oo aad u ixsaan fashaan, araamisha iyo eytaamtana ka warheysaan” ayuu yiri.

Wuxuu ugu dambeyntii Mujaahidiinta ugu baaqay midnimo iyo isku duubni iyo inay saf mid kaga hortagaan duullaanada bahalnimo ee Shisheeyaha

“Ugu dambeyntiina waxaan idiin dardaaramayaa inaad isku duubnaataan, garbo siman ku dagaal gashaan, Umaradiina adeecdaan, cadowgana ku ad-adkaataan” ayuu yiri.

Halkan ka dhagayso kalimadda cusub ee Sheekh Axmed Abuu Cubeyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.