Home Afsomali Alshabaab oo dagmooyinka qansan dheere iyo xudur ku haaya weeraro madaafiic ah

Alshabaab oo dagmooyinka qansan dheere iyo xudur ku haaya weeraro madaafiic ah

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ee Gobolla Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Koonfur Galbeed iyo agagaarkeeda balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in  Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhig ku leh degmada Qansaxdheere ay  dhankooda ay weerarka madaafiicda ah uga jawaabeen madaafiic kale, isla markaana ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baau ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse Ciidamada Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo kala duwan.

Weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansaxdheere ayaa kusoo aadaya xilli xalay weerar toos ah lagu qaaday degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.