Is-rasaasayn goosgoos ah oo u dhaxeysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada ay weli halkaas isku horfadhiyaan, islamarkaana ay xiisadda kacsan tahay.
Arrintan ayaa imaaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud.
Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.
Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa xilligaas sheegay in in malayshiyaadkooda iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaana taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaanno kamid ah Gobolka Galgaduud ka socda abaabul Ciidan oo ay wadeen hoggaanka Ahlusunna, waxaana degaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin hoggaanka Ahlusunna Galmudug ay geeysay Ciidamo farabadan.