Dhaqashada waraabaha oo ku soo kordhaya dalkeena
Qoys dhaqashada waraabaha uga nastay sahqooyinkii kale ee dhibka badnaa iyada oo guriga shabaq bir ka sameysan u dhigtay oo usan ka o bixi karin inkasta oo uu yahay mid aan la isku aamini karin
waxaan ku booqanay deegaanka weydow ee duleydka Magaalada Muqdisho .
Rahma Hilowle Aadan iyo Seygeeda Muxudiin Ibraahin Xasan ayaa 2 sano ka hor bilaabay in ay guriga keensadaan waraabayaal ka dibna lacago ay biishaan qoysaskooda ka sameeyaan bulshada soo booqanaysa ayna ku faraxsan yihiin isbedelka ku yimid noloshooda caadiga ah
rahmo waxay sheegtay in ay haatan leeyihiin laba xarumood oo mid kasta lagu xanaaneeyo laba waraabe o lab iyo dhedig ah
Sidoo kale waxay xustay in ay gacanta ku hayaan xayawanaad kale oo ay ka mid yihiin digiiran ,sagaaro ,daayeer iy diin dalxiisayaashana ay ka qaadaan ilaa 5 kun shilin maalintiina ay dhaqaale uga soo xaroodaan
hadaba qaabka ay uga faaiideystaan daawashada warabaha oo u laba baxday caafikaad iyo dalxiis ha i noo faahfaahiso rahma hilowle aadan