Khilaaf Soo kala dhexgalay Axmed Qoor Qoor iyo Saraakiisha Dagaalka hogaamineyso
Wararka Galmudug Laga Helayo Ayaa sheegaya inuu Soo if baxay Khilaaf xoogan oo Soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Saraakiisha Dagaalka ka dhanka ah Ahlusuna Hogaaminaysay.
Khilaafkaan Ayaa yimid ka dib Markii Madaxweynaha Galmudug uu Culeys weyn Kala Kulmay Dagaalkii shalay ilaa Maanta ka dhacay Gurceel, islamarkaana Lagu dilay Saraakiil Sar sare kuwa kalana dhaawac uu ka Soo gaaray.
Waxaa la isku Khilaafay Habka istaraatiijiyada loo wajahay Dagaalkii Maalin ka Hor oo u Muuqday Mid Lagu Fududaaday si fududna Lagu laayay Askarta iyo Saraakiisha intaba.
Qoor Qoor Ayaa Aad u daneenayay oo kaliya Gurceel oo Ahlusuna ay dibad Joog ka yihiin, Blase waxay noqotay Culays waxuuna Saraakiisha uu ku Amrayay inay Dagaalka wadaan Balse waa Taa Mida La isku Fahmi waayay.
Dagaalkii shalay dhacay Ayaa ka duwanaa midkii shalay dhacay waxaana Sarkaal waliba oo Dagaalka ku jiray uu ku xisaabtamayay Hubka uu wato iyo askartiisa intaba, waxaana Maanta yaraa Qasaaraha Markii Loo Eego shalay wixii dhacay
Dhanaka kale Dhawaqa risaasta dhinacyadu isku ridayaan ayaa laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.
Waxayna cidii ku badisa dagaalka ay u sii diyargaroobeysaa in ay dagaalo kal la galaan dagaalamayaasha Alshabaab
Dad ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay kala joogaan Goobihii ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada Ciidan.
Qeybahaan dagaalka ku lugta leh ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana weli jira xaalad cakirnaan ah oo ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sbire Falagle.
Manajirto ilaa iyo hadda waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan balse dagaalku yahay mid sokeeye oo mid niciihu yahay kaa dhimay kuguna dhimay