Banaanbax Balaaran isla markaana looga soo horjeeday dirirta dhiilada dagaalka Guriceel laguna taageeray ahnu suna ayaa Muqdisho ka dhacay
Banaanbax looga soo horjeedo dagaalka khasaaraha badan geystay ee u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna ee ka socda Guriceel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dad u badan dhalinyaro Haween ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada , iyaga oo wadada ku gubay taayaro iyo agab kale , taas oo keentay in isku socorka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu istaago carada dagaalka sii socdo ay ka qabaan darted .
Bannaabaxayaash ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan dagaalka degmada Gueiceel, waxaana kamid ahaa, Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, dhiig Sokeeye doonimeyno iyo Erayo kale.
Qaar kamid ah bannaan baxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor inay dagaalka hurinayaan.
Waxaa ay si cad u sheegeen in marnaba ogolaaneyn in lagu sii dagaalamo degmada Guriceel, waxaana qaar kood sheegeen inay garab taagan yihiin hoggaanka Ahlusunna ee dagaalka kula jira Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.
Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna waxaa uu ka dhacay degmada Guriceel, kaas oo geystay khasaaro farabadan.