Waxaa Maanta xiran qeybta Tarminalka cusub ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha ah.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay isku fahmi waayeen shirkadii dhistay Tarminalka maamulka gobalka Hiiraan iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle sidaasina lagu xiray oo aysan jirin diyaarad ka soo duushay Garoonka diyaaradaha Beledweyne.
Dad Maanta doonayay inay Garoonka ka dhoofaan ayaa muddo badan ku xayiran, waxaana ay sheegeen in albaabada loo laabay qeybtii Tarminaalka oo ay dadku ku nasan jireen isla markaana mudo saacada ah ay diyaarada ku sugayeen meel banaan ah.
Wararka ayaa waxey intaasi ku darayaan in arrinta xiritaanka garoonka ay timid kadib markii shirkadii dhistay qeybta tarminaalka ay dalbatay in lacag laga qaado dadka ka baxaya garoonka iyo kuwa kasoo degaya taas oo ay isku fahmi waayeen maamulka gobalka, shirkada & hoggaanka Hirshabeelle.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin arrintaas, waxaana walaac ka muujiyay dadkii Maanta doonayay inay garoonka ka dhoofaan ee ku xayirmay.