Home Afsomali Full Video Qaabkee Farmaajo iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Magaalada Istanbul?

Full Video Qaabkee Farmaajo iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Magaalada Istanbul?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Dowladda Turkiga iyo Safiirkeenna inoo jooga dalka Turkiga Danjire Jaamac Caydiid Maxamed.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Istanbuul kaga qayb galaya meertada saddeexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo inta uu halkaas ku sugan yahay kulan-doceedyo la qaadan doona madax Kala duwan oo ka soo qayb galaysa Shirweynaha.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

https://youtu.be/ceRWWj_ybiI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.