Gudoomiyhii Maxkamada degmada Buur-Hakaba Sheikh Manuur Sheikh Yusuf Sheikh Ibraahim ayaa Xaley Al shabab kala baxday hooygiisa sida ay ii sheegeen Saraakiisha Booliska Degmada islamarkaana lagu gowracay goob gurigiisa aan ka fogeyn.
Sida aan wararka ku helnay kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa weerar gaadmo ah ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Kabtan Xasan Faarax, sargaalkan ayaana la dilay xili uu gurigiisa sii galayay.
Al Shabaab ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen masuuliyadda dilka loo geestay Kabtan Xasan Faarax oo ay sheegeen in uu ahaa madaxii sahanka iyo sirdoonka wasaaradda gaashaandhigga.
Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sargaalkan in mudo ah ku daba jireen ugu dambeyna xalay ku dileen weerar qorsheesan, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay si nabad galyo ku baxsadeen ragii dilka sargaalka ka dambeeyay.
Laamaha amaanka dowlada Sooaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan Al Shabaab xalay magaalada Muqdisho ugu geesteen sargaalkan katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa uuna dilkan qeyb ka noqonayaa dilalka qorsheesan ee ka dhaca Muqdisho.
Saraakiisha ayaa waxay ii xaqiijiyeen in jir dil badan ay u geesteen Kooxda dishay Sheekha.
https://youtu.be/XC6HN7_x8H8