Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxda Maamulka Iyo Laamaha Amniga Ee...

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxda Maamulka Iyo Laamaha Amniga Ee Gobolka Banaadir ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

“Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhammaanteenna aynu u wada istaagno sidii aan uga badbaadin lahayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.

https://youtu.be/XC6HN7_x8H8

Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

 56A9285
 56A9251
 56A9266
 56A9320
 56A9338
 56A9225
 56A9228
 56A9229
 56A9217
 56A9185
 56A9182
 56A9178
 56A9172
 56A9152
 56A9146
 56A9163
 56A9178
 56A9121
 56A9119
 56A9116
 56A9099
 56A9095
 56A9067
 56A9217
 56A9229
 56A9192
 56A9231
 56A9296
 56A9295
 56A9329
 56A9305
 56A9338
 56A9255
 56A9163
 56A9119
 56A9348
 56A9418
 56A9427
 56A9515
 56A9434
 56A9399
 56A9540

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.