Home Afsomali Agaasimaha kale ee Xilka laga qaaday ma aano qabiilbaa mise waa shaqo...

Agaasimaha kale ee Xilka laga qaaday ma aano qabiilbaa mise waa shaqo qaran

Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga iyo Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaqo joojin lagu sameeyay ka dib digreetooyin ka soo baxay xafiisyada labadaasi Wasiir.

Labada agaasime guud ee shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed, ku xad gudub shaqaale, anshax xumo, xurmad la’ aan iyo khilaaf soo noq noqday ee u dhaxeeya agaasime waaxeedyada iyo madax qeybeedyada hoos yimaada.

Wasiirka Wasaaradda diinta xukuumadda Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Cumar Faaruuq Cabdicasiis Cusmaan, waxaana uu xilkaasi si KMG ah ugu dhiibay Xasan Cabdiraxmaan Xuseen oo hadda ahaa Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda.

https://youtu.be/F1gZEvygw2Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.