Home Afsomali Nin Sameeyey beecin been abuur ah oo Bolice ka Norway Xabsiga...

Nin Sameeyey beecin been abuur ah oo Bolice ka Norway Xabsiga u taxaabay

Booliiska dalka India ayaa xiray wiil 21 jir ah oo lala xiriirinayo barnaamij ku shaqeeyo taleefoonnada casriga ahi oo lagu faafiyay sawirrada in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo la sheegay in ay ” yihiin iib”.

Wiilkani ayaa ah arday jaamacad ka dhigta culuunta injineernimada, kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Bangalore balse wali lama shaacin magaciisa rasmiga ahi.

Ilaa iyo haatan ma cadda dambiyada lagu soo oogay balse booliska ayaa sheegay in wiilkani lala xiriirinayo barnaamijkaasi lagu faafiyay sawirrada gabdhaha Muslimiinta ahi ee la sheegay in la iibinayo ay yihiin xaraash.

Barnaamijkaasi oo hadda laga saaray intarneedka ama la joojiyay isticmaalkiisa ayaa lagu faafiyay sawirrada dhawr gabdhood oo Muslimiin ah isla markaana ah saxafiyiin caan ah ama hawlwadeenno u dhaqdhaqaaqa arrimaha Muslimiinta, iyaga oo aan laga helan wax oggolaansho ah. Gabdhahaasi ayaa la sheegay in ay iib yihiin oo la xaraashayo, arrintaa oo qeyb ka ah naceybka ka dhanka ah dadyowga Muslimiinta ah ee dalkaasi India.

https://youtu.be/kxJHIBrkmSM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.