Home Afsomali Xeer ilaaliyaha Maxkamada Galmudug oo Baabiyay Dacwad loo haystay Musharax cajiib.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Galmudug oo Baabiyay Dacwad loo haystay Musharax cajiib.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Galmudug oo Baabiyay Dacwad loo haystay Musharax cajiib

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baabi’iyay dacwad laga gudbiyay Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo maanta Maxkamadda Gobolka Galgaduud ay u yeertay inuu Maxkamadda berri hor-yimaado.

Qoraal ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa loo soo jeediyay Maxkamadda Galgaduud inay baabi’iso dacwadaas si waafaqsan qodobka 12, maadaama dacweysanuhu degan yahay meel ka baxsan awoodda Maxkamadda.

Qoraalka Maxkamadda Galgaduud ay maanta ugu yeertay Ganacsade Maxamed Cajiib ayaa lagu soo aadiyay, maadaama uu yahay Musharax kursi HOP064 oo doorashadiisa todobaadka ka dhaceyso Dhuusamareeb, kana mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.