Shacabka Gaarisa ayaa ka dalbanaya maamulkaas in uu ka fiirsado in la furo xadka Soomaaliya, iyagoo sheegay in taasi ay wax badan ka tari doonto ganacsiga u dhaxeeya Kismaayo iyo gobollada Waqooyi.
Dekadda magaalada Kismaayo ayaa caan ku ah ka ganacsiga dhaqaalaha badan ee Dhuxusha, Sonkorta, Cuntooyinka iyo qalabka dhismaha. Ganacsatada jubbaland ayaa badeeco aad u badan kasoo dajisa maraakiibta isaga goosha caalamka ee ku sugan dekeda magaalada Kismaayo.
Waa mid ka mid ah dekedaha ugu qanisan Bariga Afrika. Kahor inta aan la xirin xuduudka ayaa inta badan badeecadaha lagu cuno gobolada waqooyi waxa ay ka imaan jireen magaalada Kismaayo. Dekadda ayaa ah isha ugu weyn ee uu ka soo galo maamulka Jubaland oo xuduud dheer la wadaaga dalka Kenya.
Cabdi Maxamed oo ah ganacsade reer Garissa ah ayaa si niyad sami ah u xasuustay sida uu ganacsigu u kobcay Gaarisa markii ay wali furneed xuduudka. “Dekedda Kismaayo waxay si wanaagsan ugu adeegi jirtay maamul goboleedyadayada ka hor inta aysan wax qaldamin.
Waxay u dhowdahay xuduudkayaga Dhoobley iyo Libooye kharash ayay nagu noqotay,” ayuu yidhi.
Maxamed waxa uu sheegay in markii xadka la furay ay si xor ah u socon jireen badeecadaha, cuntooyinka, qalabka elektaroonigga ah iyo saliidda cuntada.
Waxaan ku ducaynaynaa in xuduudka dib loo furo.” “Mar haddii dib loo furo ganacsatadda yaryar ee Lamu iyo Mombasa waxay ka faa’iidaysan doonaan suuqyo iyo dalxiis ahaan, dekeddu faa’iidooyin ballaadhan bay inoo leedahay waddan ahaan, taasi waa xaqiiqo jirta.
Ma baxsan karno, mana qarin karno,” ayuu yiri Axmed Xaaji, oo ah ganacsade kale oo reer Gaarisa ah ayaa sheegay in ganacsiga ku soo badanaya dekedda Kismaayo uu faa’iido u yeelan karo dadka deggan waqooyi bari marka xadka dib loo furo. Dawladdu inay tixgeliso dib u furista meelaha laga soo galo ee u oggolaanaya ganacsiga xorta ah inuu kobco “Xidhitaanka joogtada ah cidna ma caawinayso.
Haddii aad i waydiiso faa’iido ma leh,” ayuu yidhi Xaaji oo ku takhasusay ganacsiga elektaroonigga ah. Waxa uu sheegay in sida kaliya ee lagu xakameyn karo soo galitaanka badeecooyinka koontarabaanka ah ay tahay in dib loo furo barihii loo qoondeeyay ee laga soo galo xuduudaha, lana dhejiyo waaxyaha dowladda ee ay khuseyso si ay u baaraan badeecadaha iyo adeegyada. Dowladda ayaa xirtay dhammaan xudduudaha waqooyi bari ee Soomaaliya Noofambar 2019 iyada oo isku dayaysa in ay joojiso soo gelista badeecooyinka kontarabaanka ah.
Waxay sheegtay in dhaqaalaha ka soo baxa lagu maalgeliyo kooxaha argagixisada.