Home Afsomali Alshabaab oo Fagaare Ku Yaalla Kuunyo Barrow laba ruux ku toogtay.

Alshabaab oo Fagaare Ku Yaalla Kuunyo Barrow laba ruux ku toogtay.

Alshabaab oo Fagaare Ku Yaalla Kuunyo Barrow laba ruux ku toogtay.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Islaamiga ah ee Sh-hoose ayaa fulisay xukun xad ah, kaas oo lagu fuliyay labo ruux oo u shaqeynayay DF.

Waxaa makaxmadda la hor keenay Yoonis Macalim Xasan saalax oo 22 sano jir ah kana tirsanaa ciidamada milatariga ee ku sugan Marko, kadibna loo wareejiyay ciidamada nabad sugida

Waxaa sidoo kale eedeysanaha labaad ee xukunka dilka ah lagu fuliyay lagu magacaabaa Maxamed Nuur Xasan loo yaqaanno Carab oo 29 sano jir ah, kana tirsanaa ciidamada milatariga Afgooye, kadibna loo wareejiyay Magaalada Baydhabo.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaaraha kaga dhawaaqay xukunka, waxaa durbadiiba halkaas ka dhacay fulinta xukunka dilka ah.

Maxkamadaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa marar badan fuliyay xukuno kamid ah xudaada Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.