Home Afsomali Xasan bariise oo Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax wadaxweyne (...

Xasan bariise oo Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax wadaxweyne ( DAAWO SAWIRADA )

Munaasibad uu Cismaan Xasan bariise  kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa qabasha Xilka madaxweyne ayaa lagu   qabtay magaalada Muqdisho .

Waxaana ka soo qeybgalay odoyaasha dhaqanka ugaasyo suldaano masuuliyiin kala duwan haween iyo dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu casuumay.

Intii ay socotay munaasibada ayaa looga hadlay qiimaha iyo mudnaanta uu leeyahay Xasan bariise oo lagu tilmaamay in uu mudan yahay qabashada xilka madaxweyne waxayna  diirada saareen in hogaanka talada dalka loo dhiibo Xasan bariise .

Ugu danbeyntiina musharax madaxweyne Xasan bariise ayaa soo jeediyey qudbadiisa iyo danta iyo  jeeda kulankan.

Wariyihii bbc Xasan bariise ayaa waxuu qacad  ku marey in uu meesha ka saari doono dastuurka qabyo qoraalka ah isla maraaka dhiso doono. golaha adeega garsoorka si madaxweyna adoodiisa loola qeybsado dhaqanka iyo diintana uu wax ku xukumi doono wuxuuna xaaraantinimeeyey habka awood qeybsiga 4.5

Wadmada dariska ah ayuu qubadiisa ku soo qaatay .

Wuxuuna  soo xirey xaflada isaga oo  kaga dhawaaqay madasha in uu yahay musharax u taagan qabashada Xilka madaxweyne ee 5 ta sano ee soo socoto wuxuuna u mahadceliyey taageerayaashiisa.

Wuxuu sheegay in uu dhisi doono dowlada ka shaqeysa nabada deris wanaaga .

Wuxuu xusay in u soo celi doono somalida ay u suurta gali weyday in ay dalka dib ugu soo laabtaan .
Doorka haweenka ayuu sheegay in sare uga qaadi doono halka uu haatan yahay .

Wuxuu sameyn doonaa shaqo abuur dhalinrada uuna xooga saari doono wax soo saarka beeraha iyo badda .

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA
(Murashax 2022 – 2026)

 

Waxaan ku billaabayaa Magaca Ilaahay, isaga ayey mahad oo dhami u sugnaatay. Nabigeennii Muxammad ahaana Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaato. Adinkuna, walaalayaal, dhammaantiin Nabadgelyo, Naxariis iyo Barakadii ilaahay dushiinna ha yeelo.
Intaas kaddib, waxaan filayaa in aad dhammaantiin i wada taqaannaan ama ugu yaraan aad codkayga iyo magacayga wada haysaan iyo sababta aan maanta halkan isugu wada nimid oo aan hortiinna isu soo taagay. Laakin, haddana bal aan in yar idiin sii faah-faahiyo:
Walaalayaal,
Sida aad la wada socotaanba waxaan muddo dheer ka soo shaqeynayey sidii aan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, iyo dunida oo dhan, guud ahaanba, ugu sheegi lahaa xaqiiqooyinka ka jira dalkeenna Soomaaliyeed, anigoo welibana wararkayga raacin jiray sidii habboonaan lahayd ee ay waxku hagaagi lahaayeen.
Laakiin haddana, sidaasi waxba kuma hagaagin. Sidaasi darteed, waxaan gartay in hawshani aanay ka maarmaynin in aan anigu si dhab ah ugu soo xeyto, ficil ahaanna aan anigu u soo dhaqaaqo hoggaaminta toosinta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ragaadiyey dadkayga iyo dalkaygaba.
Walaalayaal,
Hadda waxaa wax laga murugoodo ah in dalkeennu u marayo heer aan moodaynay in aan ka soo gudubnay mar hore, laakin ay hadda inoo caddaatay inaanay taasi xaqiiqo ahayn. Waxaan moodaynay in aan ka soo gudubnay in uu dalkeennu mar kale dagaal sokeeye iyo fowdo dib ugu sidban karo. Laakin, hadda waan aragnay in ay taasi weli suurtogal tahay, haddii aanan si dhab ah loogu hawlgelin ka hortaggeeda. Sidaasi darteed, waxaan maanta isu soo taagay in aan hoggaamiyo dowladdii ka hortegi lahayd in dalkeennu uu mar kale dhex majiiran karo hubanti la’aantaasi qaraarka badan.
Waxaa xaqiiqo ah in aanu dalkeennu sharcigiisu dhammaystirnayn, oo magaca sharcigaasina loogu yeero “Qabyo-Qoraal” oo aan weliba iska sii haysanno sida innaga oo aanan fahamsanaynba waxa magacaasi loola jeedo. Bal HEE dhaha oo maxaa diiday ama is-hortaagay in la qabyo-tiro dastuurkaasi, maxaase diiday samaynta Maxkamaddii iska lahayd Dastuurkaasi?
Taasi waa midda keentay in mar kasta ay madaxweyneyaasheennu iyo ra’iisul wasaareyaasheennu dagaallamaan ilaa uu dalku halis u galo bur-bur kale. Sidaasi darteed, waxaan anigu maanta isu soo taagay in aan hoggamiyo samaynta dowlad ka xishoota in shacabkeedu uu wel-wel noocaas oo kale ah mar kale la soo derso abid.
Walaalayaal,
Waxaad la socotaan in maanta madaxdeennii Dhaqanka iyo kuwii Diintuba ay sharaf-dilan yihiin iyadoo welibana aanu shacabkoodu inta badan dareensanayn khatarta ku dhex jirta diin la’aanta ama diin-yarida iyo dhaqan la’aanta ama dhaqan xumida. Sidaasi darteed, waxaan anigu maanta isu soo taagay hoggaaminta dowlad si weyn u qaddarisa Dhaqanka iyo Diinta suubban ee ummadda Soomaaliyed, si ay ummaddeennu ula sinnaan karto ummadaha kale ee dunida.
Waxaa kale oo iyana jirta in dadkeennii loo qeybiyey waxa loo bixiyey afar iyo bar-qabiil, taasoo ah in dadka qaarna ay xubin buuxda leeyihiin dadka qaarna ay xubin barkeed yihiin iyadoo welina aanay jirin cid noo soo tiro-koobtay dadkeenna, waxaana xalka noocaasi ah ee laga meer-meeray ka gudubkiisa ka dhashay caddaalad-darri baahsan. Sidaasi darted, waxaan haddaba anigu isu soo taagay maanta in aan hoggaamiyo dowlad ummadda Soomaaliyeed ka samatabixisa mushkiladdaasi loo maara-waayey muddada dheer, taasoo marar badan dhalisay khal-khal siyaasi ah.
Walaalayaal,
Waxaan soo marnay oo aynaan welina ka gudbin in aynaan innaga dhexdeenna (Soomaali ahaan) nabad buuxda ku wada noolaan karin. Sidoo kalena, waddamada deriska ah aan nabad la wada wadaagi karin oo aan marba cid cadaw ku tilmaanno, midna saaxiib. Waxaana intaas noo dheer in ciddii siyaasaddaasi nagu hoggaaminaysa aan waddani u aqoonsanno. Haddaba, si sidaasi ka duwan waxaan anigu maanta isu soo taagay in aan hoggaamiyo dowlad ay dadkeedu nabad ku wada noolaan karaan, waddamada deriska ahna nabad iyo is-qaddarin la wadaagi karto iyadoo la siman yahay.
Waxaa kale oo jirta, in haddii aan Soomaali nahay aan leennahay jaaliyado Soomaaliyeed oo dunida daafaheeda ku firirsan, kuwaasoo hadda leh aqoon, xirfado iyo dhaqaale intaba oo ay wax ugu qaban karaan dadkooda iyo dalkooda intaba. Waxaa haddana dadkaasi ka mid ah qaar ay Soomaali iyo waddamo kale iska dhaleen, sida kuwa ay Soomaalida iyo Talyaanigu iska dhaleen oo dalkeenna weligoodba laga yaqaannay.
Dadkaasi Soomaaliyeed ee isku jirka ah iyo kuwa Soomaalida soocan ahba waxay u baahan yihiin dowlad Soomaaliyeed oo ku dhiirri-gelisa ku soo noqoshada dalkooda, iyagoo la soo noqon kara dhaqaale, aqoon iyo xirfado kale duwan iyo xitaa saamayn siyaasadeed oo dalkeena nacfi u leh. Haddaba, waxaan anigu maanta isu soo taagay in aan hoggaamiyo dowlad dhinac kastaba u dhiirri-gelinaysa dadkaasi Soomaaliyeed sidii ay dalkooda dib ugu soo noqon lahayeen waxna u tari lahaayeen.
Walaalayaal,
Inta aad soo xirin khudbaddaydan kooban, waxaan jeclahay in aan xuso haweenka Soomaaliyeed oo aan ognahay in bulshada Soomaaliyeed ay udub-dhexaad u yihiin oo ay dhaleen, la dhasheen ama u dhexeen dhammaan ragga Soomaaliyeed oo ay yihiin dugsigii ugu horreeyey ee aan dhammaanteen ka soo wada baxnay. Sidaasi darteed, waxaan anigu maanta hortiinna isu soo taagay in aan hoggaamiyo dowladdii haweenkeenna sharafta badan ilaalin karta xuquuqdooda, taasoo marar badan la dafiro amaba la yaraysto.
Ugu dambayntii walaalayaal,
Maaddaama aad adinku tihiin hoggaankii dhinacyada duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan hortiinna isu soo taagay in aad ii idintaan ama iga aqbashaan in aan hoggaamiyo dowladda Soomaaliyeed ee soo socota marba haddii aad ku qanacdeen dhammaan qodobbadaasi aan ka soo hadlay ee aan doonayo in aan wax la taaban karo ka qabto, ee ma iga aqbasheen intaasi???!!!
Mahadsanidiin sida aad iiga aqbasheen iyo tixgelintiinna aanay jirin cid la bar-bar dhigi karo, maaddaama aad tihiin hoggaankii Soomaliyeed ee dhinacyada diinta, dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Nabadgelyo iyo Naxariis iyo Barakadii Ilaahay Dushiinna Ha yeelo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.