Ciidamada haramcad ayaa toogasho ku dilay Taliyihii saldhiga Booliska Beledweyne
Alle Ha u Naxariistee waxaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne isla markaana u dhaxeeyey Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa sida gaar ah u tababaran ee Haramcad taliyihii Booliska Beledweyne Maxamed Duurdage.
Is rasaaseynta ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dhacday gudaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne oo xilgaa taliyuhu ku sugnaa
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay isku dhaca labada Ciidan, joobgjoigayaal ayaa sheegaya in saldhiga lagu xirey xubno ka tirsan ciidamada haramcad waxaana mararka qaar weli ka maqlayaa rasaas goos goos ah oo u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa Haramcad.
Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Maanta kacsan, waxaana dagaalka siweyn looga dareemay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamadaan ayaa ka mid ah kuwii dowladu dhawaan u daabushay baladweyne si kuraasta taalo loogu boobo hase yaashee bulshadu ay dareen aan caadi aheyn ka qabtay
https://youtu.be/ETo7DDSlf14