Home Afsomali UK oo cambaareysay xukun dil ah oo Somaliland fulisay

UK oo cambaareysay xukun dil ah oo Somaliland fulisay

UK oo cambaareysay xukun dil ah oo Somaliland fulisay

Marwo Lizzie Walker oo ah Wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland, ayaa walaac xoogan waxaa ay  kamuujisay, xukun dil ah oo Somaliland shalay ay ku fulisay, 4 askari oo horay u dilay askar kale

Waxaa ay sheegtay in xukunka dilka ah uu yahay mid meel dhac ku ah qofka Bani’aadamka ah, isla markaana tallaabada ay qaaday Xukuumadda Somaliland ay aad uga soo horjeedaan.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagantahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha.  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada” ayay tiri Walker.

Inta badan wadamada Reer Galbeedka ayaa aad uga qeylo dhaamiya markii Xukuumadda Somaliland ay xukuno dil ah ku fuliso qof dilay qof kale, iyaga oo aan ka hadlin xukunada dilka ah oo ay dhankeeda fuliso dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.