Home Afsomali is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Buuhoodle Iyo khasaare ka dhashay

is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Buuhoodle Iyo khasaare ka dhashay

Is rasaaseynta ayaa Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer waxaa ay  ku dhexmartay Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaaladaas iyo Koox ka Ganacsaneysay Maandooriyaha khamriga.

Is rasaaseynta ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii Ciidamada Booliska Puntland oo howlgal kujira ay la kulmeen Kooxda ka hanacsaneysay maandooriyaha Khamriga, waxaana dagaalkii dhexmaray ku geeriyooday hal Ruux oo rayid ah saddex kale oo laba askar yihiin ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda Magaalada Buuhoodle ayaa haatan degan, balse waxaa weli howlgallo kala duwan ka wada Ciidamada Booliska Puntland, kuwaas oo ku raad jooga dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada Khamriga.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen howlgallo ay kula dagaalamayaan Kooxaha ka Ganacsada maandooriyaha, waxaana dhowr jeer ay dagaalo adag kala kulmeen Kooxaha ka Ganacsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.