Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ah degaan doorashada labaad ee Hir-Shabeelle ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursigii uu ku fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir ee Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA ahna la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.