Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.
Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shsbaab.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada amni darro ka wada dalka, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.