Home Afsomali Magacyada  Lix Xildhibaan oo baydhabo  lagu doortay 

Magacyada  Lix Xildhibaan oo baydhabo  lagu doortay 

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee maamulka Koonfur Galbeed lagu doortay lix Xildhibaan oo kamid noqonaya Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga koobaad  ee tirsigiisa uu yahay Hop-253 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo helay 70-cod, halka musharaxii kursigan kula tartamayay Cabduqaadir Ibraahim Buule isna helay 21-cod.

Kursiga labaad ee tirsigiisu yahay Hop-178  waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Cali oo isna helay 70-cod halka musharaxii la tartamayay Bile Xasan Cabdi oo isna helay 25-cod .

Waxaa kursiga saddexaad oo tirsigiisu yahay Hop-050 ku guuleestay Xildhibaan Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim Aadan isna helay 14-cod.

Kursiga afaraad ee tirsigiisu yahay Hop-230 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Jaamac Taqal Cabaas oo helay 77-cod halka musharaxa kursigan kula tartamayay Cabdi Cali Cumar isna helay 23-cod.

Doorashada kursiga shannaad ee tirsigiisu yahay Hop- 183 waxaa ku guuleestay Muqtaar Maxamed Guuleed oo helay 83-cod halka musharaxa la tartamayay Xuseen Cali Aadan isna helay 16-cod.

Kursiga lixaad ee maanta doorshadiisu ka dhacya Baydhabo tirsigiisun ahaa Hop- 275  waxaa ku guuleestay Ismaciil iidow Maxamed oo helay 71-cod halka musharaxa la tartamay Cabdisitaar Xasan Cali isna helay 16-cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.