Home Afsomali Tirada rayidka ku dhintay weerarada Ruushku ka wado Ukraine oo la shaaciyey

Tirada rayidka ku dhintay weerarada Ruushku ka wado Ukraine oo la shaaciyey

Ugu yaraan 351 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay gudaha Ukraine tan iyo markii ciidamada Ruushka ay soo galeen 24-kii Febraayo, halka 707 kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tirooyinkan ayaa kuwa ay diiwaan gelisay Qaramada Midoobay, waxaana dhici kartaa in dadka la dilay ay intaas ka badan yihiin.

Kormeerayaal ka socda Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay (OHCHR).Khasaaraha ugu badan ee dadka rayidka ah ayaa ka dhashay hubka qarxa oo saameyn weyn ku yeeshay, sida madaafiicda culus iyo gantaalada riddada badan, iyo gantaalada iyo duqeymaha cirka

“OHCHR waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ay aad uga badan tahay, gaar ahaan dhulka ay Dawladdu maamusho iyo gaar ahaan maalmihii u dambeeyay, maadaama xogta laga helayo meelaha qaarkood oo ay colaado xooggani ka socdeen ay dib u dhacday” ayaa lagu yiri warka heyadda.

https://youtu.be/uctxbYQ7YHs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.