Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Khudbadad madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu waxaa uu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Soomaaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.
Mr Biixi ayaa dhanka kale sheegay in wadahadaladii u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay guul dareysteen ayna tahay in laga socdo.
Madaxwayne Biixi ayaa eeda guuldarada wadaxaajoodyad u xambaariyay madaxda dowladda fedraalka ee Soomaaliya.
“Marka Somaliland waxay rumeysan tahay in wadaxaajoodyada lagu guul dareystay in lagu gaaro hadafyadii looga gol lahaa, eeda guuldarada waa mid guud ahaan dusha u saaran Soomaaliya iyaga oo galiyay dadaalo lagu minja-xaabinayo wadaxaajoodyada taasi waxay ka muuqataa ficiladooda guracan” ayuu yiri madaxwayne Biixi” ayuu intaa ku daray.
Madaxwaynaha Somaliland oo sidoo kale wax laga waydiiyay duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sheegay in dhibaatada ay hada ku jiraan dadka reer Ukraine ay horey u soo mareen ayna ka xun yihiin waxa ku dhacaya.