MUHALIG, MUHALIG KALE LA SHIRKOOBEY MAS’UUL MA AHAN!!!
Alihii dhulka iyo cirka tiir la’aan taagey oo noolaha dunida oo dhan abuurey baan ku dhaartee annigoo gudoomiye baarlamaan ah in uusan dalka iyo dadka wareeriyeen Madaxweynaha.
Sababtoo ah, isaga waxaa codka siiyey Baarlamaanka. Baarlamaankuna annigana cod buu isiiyey annoo dhowraya sharaftii, akh-laaqdii, kartidii iyo ajandihii la igu doortey ee baarlamaanka uu doonayo in dalka laga hirgeliyo haddii hal tilaabo oo khaldan oo dhinaca dastuurka uu Madaxweynaha u qaado, 30 daqiiqo igu qaadan meyso in aan miiska soo saaro khaladaadkiisa.
Waxaana la marinayaa waajibaadkiisa. Waayo
Labo mid bey ahaan lahayd in uu xilka tiriyo iyo in uu dastuurka ilaaliyo.
Qofka aan dastuurkii lagu dhaariyey ilaalin waayey, xitaa naftiisa ma ilaalinayo oo waa muhalig ah cad sharci diidayaa ma jiro in muhalig la iska qabto.
Laakiin haddii muhalig ku hogaansado isagoo bixinaya sanuud iyo sasabasho siyaasadeed hadde ogaada waxa dalka ka dhacayo waa waxaas aad u jeedaan waliba inta goor ee laga badbaadey burbur lama soo koobi karo.
Marka dadka dhaliilaya gudoomiyaha baarlamaanka ha ogaadeen khaladku xilka ma ahan ee waxaa khaladka leh qofka xilka loo doortey beesha uu ka dhasheyna ma lahan ceebta ee ceebta waxaa leh ninkii ama kuwii xilkan loo doortey ee garan waayey mas’uuliyadooda.
Kuwa u ordaya xilka Madaxweynaha ee caaynaya ama diidaya ama dadka ku riixaya, xilka gudoomiyaha baarlamaanka, ha ogaadeen awoodii aad gudoomiyaha baarlamaanka adigoo ah wax ugu qaban weysey dalka iyo dadka, mid ka liidata mooyee waxba kugu kordhin meyso xilka Madaxweynaha ee intey goori goor tahay ummadda ha isku dirina oo bulshada Soomaaliyeed ha kala geynina.
Tiisa daryeelaa tu kale ku darsada xilkii ugu qiimaha badnaa dunida oo shacabka Soomaaliyeed oo dhan aad ku mataleyso ayaa intaad xoortey lacag ku badalatey oo haddana Ummadda sii xag xaganeysaa war hooy ka jooga!!
Haddii aad dooneyso in uu is-bedel yimaado, horta adiga iska biloow oo is-bedel dhaliye noqo oo nin seeftiisa banaanka taala. Waayo, dhibaatada iyo khaladka joogtada ah ee dalka ka dhacaya, horta ogoow in aad adiga bilowdey oo lagu laaluushey oo xilka aad haysaba uu yahay mid qof kale isaga shaqeysto tahayna bakhaar wax kasta ku keydsan yihiin qufulkuna lacagta lagu siiyo ay tahay furuhuna uu haysto qof kale oo aad ogtahay!!
Marka aad arrinta sidaas u fahanto, habeenkii wuxuu kuu noqonayaa maalin, maalintiina waxay kuu noqoneysaa nolol cusub oo aad iyo aad u qurux badan.
Bal lacagta iyo xilka lagu sa sabanayo inta uu ka qaado kana sixiixo wax walba muu baarlamaanka hordhigo wuxuuba haystaa cadeyn sharci ku tumasho oo ku filan kadibna muu tilaabo Ummadda Soomaaliyeed u riyaaqdo ka qaado muhaliga!!? Laakiin muhalig muhalig kale la shirkoobey mas’uul ma ahan!!
(C) Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Minnesota State USA.
https://youtu.be/2Iis3of8wN0