Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ku abaalmariyay billado ay ku muteysteen weerarkii 5-tii Janaayo ee 2020, ee Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda, ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Agaasimaha Hawlgalka ee AFRICOM Sarreeye Gaas Gregory Anderson ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, iyagoo ku mutaystay jawaab-celintii degdegga ahayd ee ay ka bixiyeen ka-hortagga weerarkii Camp Simba ee Manda.
Sarreeye Gaas Anderson oo ka hadlay xafladda abaal-marinta ayaa uga mahad-celiyay saddexda dagaalyahan sida ay u shaqeeyeen kuwaasoo kaalin weyn ka qaatay la-dagaalanka kooxda Alshabab.
“Waxaad naftiina ku ilaaliseen safka hore ee dagaalka si aad u ilaalisaan dadka kale oo aad u badbaadisaan qarankiina. Runtii tani waa mid amaan mudan, waana idinkaga mahadcelinaynaa geesinimadiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Anderson.
Weerarkii Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda-bay ee dalka Kenya ee dhacay 5-tii Janaayo ee sanadkii 2020 ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Saddex kamid ah askarta Mareykanka, isla markaana uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca halka Al-Shabaab ay dhankooda sheegteen inay burburiyeen diyaarado ay lahaayeen Ciidamada mareykanka.